Boqortooyada Iswiidhan iyo qoyska boqortooyada

Iswiidhan waa boqortooyo dastuuri ah, taasoo macnaheedu tahay in waxyaabaha uu madaxa dowladdu qabanayo ay ku nidaamsanyihiin dastuurka. Boqorku, ka madax dowladeed oo aan siyaasi ahayn ahaan, waa kan Iswiidhan metela oo astaanta waddanka u ah.

Iswiidhan boqortooyo ayey si joogto ah u ahayd laga soo billaabo 900-aadkii. Dhaxalkaas taariikhiga iyo dhaqanka ah ee kunka sano ka badan waa mid aan caalamka wax loola dhigo lahayn. Xitaa haddii dowrka madaxda dowladdu uu isu beddelay si horuumarka bulshada la jaan qaadeysa, wuxuu boqorku u taaganyahay sii socosho iyo dhaqan, waana wax micno weyn u leh caalam si degdeg ah isu beddelaya. Laga soo billaabo 1973 wuxuu boqorka sharafta badan ee Carl XVI Gustaf ahaa madaxa dowladda Iswiidhan. 2018 wuxuu sidoo kale Boqorku noqday boqorkii ugu waqtiga dheeraa ee carshiga boqortooyada ku fadhiista.

Wuxuu boqorku u dhaqmayaa si waafaqsan hal ku dheeggiisa ”Iswiidhan – iyo wixi ay soo martay”.

H.M. Boqor Carl XVI Gustaf.

H.M. Boqor Carl XVI Gustaf. Sawir: Thron Ullberg/Maamulka qasriga boqortooyada

Qoyska boqorka

Qoyska boqorku wuxuu ka koobanyahay Boqorka iyo Boqoradda, seddaxda carruurta ah ee Boqorka iyo Boqoradda iyo lammaanayaashooda iyo siddeedda carruur ee ay carruurtoodu dhaleen.

Boqor Carl XVI Gustaf wuxuu 1946 ku dhashay qalacadda Haga, isagoo ahaa kan ugu yar walaalihiisi shanta ahaa. 1976 ayuu Boqorku guursaday xaaskiisa Silvia Sommerlath, oo dhalatay 1943, oo guurka ku noqotay boqaradda Iswiidhan.

Amiiradda dhaxal sugaha ah ee Victoria, waxay dhalatay 1977, waxayna is qabaan Amiir Daniel, oo dhashay 1973. Lammaanuhu waxay leeyihiin laba carruur ah: Amiirad Estelle, oo dhalatay 2012 iyo Amiir Oscar, oo dhashay 2016. Qoysku waxay degganiyihiin qalcadda Haga ee Solna, halkaas oo uu xitaa Boqorku degganaa qeyb ka mid ah carruurnimadiisi.

Amiir Carl Philip, dhashay 1979, wuxuu seddax carruur ah la leeyahay xaaskiisa Amiirad Sofia, oo dhalatay 1984: Amiir Alexander, dhashay 2016, Amiir Gabriel, dhashay 2017 och Amiir Julian, dhashay 2021. Qoysku waxay degganyihiin Kungl. Djurgården ee Stockholm.

Amiirad Madeleine, oo dhalatay 1982, dibadda ayey la deggantahay ninkeeda Mudane Christopher O’Neill, dhashay 1974. Lammaanuhu waxay leeyihiin seddax carruur ah: Amiirad Leonore, dhalatay 2014, Amiir Nicholas, dhashay 2015 iyo Amiirad Adrienne, dhalatay 2018.

Boqorka iyo Amiiradda dhaxal sugaha ah, ayaa ah kuwa wadajir, Boqoradda iyo Amiir Daniel, ula metela Iswiidhan, haddey noqon lahayd gudaha waddanka iyo haddey noqon lahayd xagga waddamada kale intaba. Amiir Carl Philip iyo Amiirad Sofia iyo weliba Amiirad Madeleine waxay inta badan waqtigooda gelayaan arrimaha samafalka iyo hawlo ay iyagu aasaaskooda leeyihiin ama ay isu xilqaameen. Intaas waxaa dheeri ah in ay hawlo go’an oo rasmi ah Boqorka u qabtaan.

Qoyska boqortooyada ee Solliden.

Qoyska boqortooyada ee Solliden. Sawir: Jonas Ekströmer/Maamulka qasriga boqortooyada

Xaqa boqornimada

Kala dhaxlidda carshiga boqortooyada waxaa go’aaminaya xeerka isku xig-xigsashada boqorrada oo ah mid ka mid ah afarta qodob ee saldhigga u ah Dastuurka Iswiidhan. Sanadkii 1979 ayuu baarlamaanka Iswiidhan beddelyay xeerka isku xig-xigsashada boqorrada si uu carshiga u dhaxlo canugga ugu weyn carruurta boqorku, iyadoon taas loo eegeyn wiil iyo gabar waxa uu canuggu yahay. Waxaa kaloo ay beddeliddu keentay in faraca boqorka iminka jooga oo keliya ay xaq u leeyihiin in ay carshiga dhaxlaan, oo aysan faracyada kale ee qoyska Bernadotte dhaxalka xaq u lahayn. Qofka ugu horreeya ee dhaxalka leh waa Amiirad Victoria, dabadeedna waxaa imaaneysa Amiirad Estelle.

H.M. Boqor Carl XVI Gustaf, H.K.H. Boqoradda dhaxa sugaha ah Victoria iyo H.K.H. Amiirad Estelle.

H.M. Boqor Carl XVI Gustaf, H.K.H. Boqoradda dhaxa sugaha ah Victoria iyo H.K.H. Amiirad Estelle. Sawir: Thron Ullberg/Maamulka qasriga boqortooyada

Hawlaha shaqada ee madaxa dowladda

Boqorku ka madax dowladeed ahaan wuxuu hor iyo horraan leeyahay hawlo shaqo la xiriira madaxnimo sharafeed iyo metelaado, waxaana intaas dheer in uu sida uu rabyo mansabkiisa u adeegsan karyo isagoon ka baxayn xayndaabka lagu xusay dib u habeynta dastuurka.

Hawlaha boqorka waxaa tusaale ahaan ka mid ah:

    • furitaanka kulanka baarlamaanka iyadoo uu afhayeenka baarlaamaanku taas ka codsanayo. Waxay taasi caadi ahaan dhacdaa sanad walba bisha sabteembar, waxayna calaamad u tahay billaabashada sanad shaqadeedka baarlamaanka. Waxaa xafladda la qabtaa iyadoo ay xubnaha baarlamaanku u dhanyihiin, markaas oo uu Boqorku xitaa xubnaha baarlamaanka hadal u jeediyo.
    • guddoominta shirarka xukuumadda ee ka dhacaya Qalcadda Boqortooyada. Shirka kala wareegga xukuumadaha waxaa la qabtaa marka ay xukuumad cusubi talada la wareegeyso. Kulan xukuumadeedka warbixinta lagu kala qaato waxaa loo qabtaa si joogto ah si wasiirrada loo siiyo farsado ay madaxa dowladda iyo dhaxal sugaha carshiga boqortooyada ku siiyaan macluumaad ku aaddan jihaynta siyaasadda xukuumadda. Haddii ay Guriga Boqortooyada carruuri ku dhalato waxaa kaloo Boqorku isugu yeeryaa kulan xukuumadeed si loogu wargeliyo magaca iyo derejada canugga.
    • hoggaaminta Guddiga Arrimaha Dibadda, waax loogu tala galay wada tashiga xagga siyaasadda arrimaha dibadda oo dhex mara xukuumadda iyo baarlamaanka. Guddigu wuxuu ku kulanyaa Qalcadda Boqorka.
    • fulinta booqashooyinka dowladaha. Boqorku wuxuu Iswiidhan ku metelaa booqashooyinka dowladaha lagu tago iyo kuwa waddanka lagu yimaado. Booqashooyinka dowladaha waxaa lagu dhisaa xiriirro qof ahaaneed oo waddamada dhex mara, waxaana looga golleeyahay in lagu kordhiyo wax is dhaafsiga dhinacyada kala duduwan. Waxaa booqashooyinka la qorsheeyaa iyadoo lala tashanayo xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxayna muujiyaan in xiriir wanaagsan uu waddamada u dhexeeyo.
    • In Boqorku uu dhowr jeer sanadkiiba safiirrada waddamada kale ku hor qaabilyo jamaahiir soo daawasho tagtay. Xaflad uu ka buuxyo hidde iyo dhaqan ayey safiirradu ku safraan gaari gawaari dhoola tus ah iyagoo ku sii jeeda Qalcadda Boqorka si markaas uu madaxa dowladdu ugu qaabiyo jamaahiir soo daawasho tagtay horteeda. Sida waafaqsan hab dhaqanka caalamiga ah marka ugu horreysa ee uu qofka safiirka noqonayo madaxa dowadda u gudbiyo warqaddiisa safiirnimo ayuu rasmi ahaan waddanka uga hawl geli karyaa.
    Golaha kala wareegga ee qasriga boqortooyada ee Stockholm, Noofambar 2021.

    Golaha kala wareegga ee qasriga boqortooyada ee Stockholm, Noofambar 2021. Sawir: Ingemar Lindewall/Maamulka qasriga boqortooyada

    Taageeridda danaha iswiidhishka

    Boqorku wuxuu ka shaqeeyaa taageeridda danaha Iswiidhishka, wuxuuna Iswiidhan ku leeyahay barnaamij metelaad oo ballaaran. Qorshuhu wuxuu ku saleysanyahay haddey noqon lahayd waxyaabo uu isagu la yimaado iyo haddey noqon lahayd dalabaadyo aad u fara badan oo ku aaddan ka qeybgelidda munaasabado kala duwan oo ka kala dhaca qeybo kala duduwan oo bulshada ka mid ah. Xubnaha kale oo ka midka ah Qoyska Boqorku waxay si firfircoon Boqorka uga caawiyaan dowrkiisa madaxtinimo. Hawlaha barnaamijka ee rasmiga ah waxay ku kala faafsanyihiin aagag fara badan:

      • xiriirka caalamiga ah ee lala leeyahay wakiillada waddamada kale
      • xiriirka gudaha ee lala leeyahay wakiillada hey’adaha qaranka iyo goballada iyo ururrada maxalliga ah
      • xiriirka lala leeyahay shirkadaha ganacsiga
      • difaaca waddanka
      • cilmiga bii’ada iyo deegaanka, cilmi baarista iyo dhaqanka
      • samafalka loo adeegsado hey’adda samafalka ee boqorka
      Xaflad lagu soo dhawaynayo booqashooyinka dowladda ee imanaya qasriga boqortooyada.

      Xaflad lagu soo dhawaynayo booqashooyinka dowladda ee imanaya qasriga boqortooyada. Sawir: Sanna Argus Tirén/Maamulka qasriga boqortooyada

      Dhaxalka boqortooyada

      Waxaa sidoo kale hawlaha shaqada ee madaxa dowladda ka mid ah in uu dadweynaha u furyo qalcadda boqortooyada iyo dhulka ay leedahay, in uu maamulyo, daryeelyo, dadkana tusyo hantida guurtada ah ee dowladda. Marka laga reebo 10 qalcadood oo leh waxyaabo qiima badan oo la ururiyo in sanad walba la tuso malaayiin booqadeyaal ah, wuxuu Boqorku maareynayaa oo uu daryeelayaa aagagga jardiinooyinka ee ku yaal gudaha iyo agagaarka Stockholm.

      Qasriga Boqortooyada ee Stockholm.

      Qasriga Boqortooyada ee Stockholm. Sawir: Sanna Argus Tirén/Maamulka qasriga boqortooyada

      Metelaad rasmi ah

      Sanad walba wuxuu Qoyska Boqorku dadka ku casuumaa cashooyin kala duduwan oo metelaad ah oo lagu qabto Qalcadda Boqorka. Martidu waxay kala metelaan laamaha rasmiga ah ee Iswiidhan iyo dad ay Qoyska Boqorku kula kulmeen safarradoodi gudaha ee waddanka. Xitaa wakiillo tusaale ahaan ka kala socda shirkadaha ganacsiga, culimada, ciyaaryahannada iyo dadka ka shaqeeya dhaqanka iyo warbaahinta waa lagu casuumaa.

      Miisas diyaarinta ka hor casho-sharafeedka qasriga boqortooyada.

      Miisas diyaarinta ka hor casho-sharafeedka qasriga boqortooyada. Sawir: Sara Friberg/Maamulka qasriga boqortooyada

      Doorka dhaxal sugaha boqortooyada

      Dhaxal sugaha boqortooyadu waxay soo gashaa meesha iyadoo si ku meel gaar ah wakiil uga ah Boqorka marka uusan shaqadiisa madaxtinimo si buuxda u gudan karin, tusaale ahaan marka uu waddan fog safar ugu maqanyahay ama meel ay adagtahay in la gaaro. Ka dhaxal suge ahaan siyaabo kala duduwan ayey Amiiradda dhaxal sugaha ahi isugu diyaarineysaa dowrkeed madaxtinimo, waxayna wadajir ula shaqeysaa Boqorka si ay fahan guud uga qaadato arrimaha waddanka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga reebo hawlaha barnaamijyada iyada u gaarka ah waxay qeyb ka tahay Guddiga arrimaha dibaddda iyo shirarka war kala qaadashada xukuumadda iyo haddii ay jiraan haflado xukuumadeed oo tusaale ahaan loo qabanyo madax waddanka booqasho ku joogta, furitaanka baarlamaanka iyo dabbaaldegyada qaran. Si wadajir ah ayey sidoo kale Amiiradda dhaxal sugaha ahi dibadda booqasho xukuumadda lagala tashaday ula aaddaa Amiir Daniel.

      Booqasho dawladeed oo ka timid Jarmalka, Sebtembar 2021. Boqoradda dhaxal sugaha ah ayaa madaxweynaha soo dhaweyneysa marka uu yimaado Isweden.

      Booqasho dawladeed oo ka timid Jarmalka, Sebtembar 2021. Boqoradda dhaxal sugaha ah ayaa madaxweynaha soo dhaweyneysa marka uu yimaado Isweden. Sawir: Pelle T Nilsson/SPA

      Is xilqaamidda Qoyska Boqorka iyo daryeelidda

      Marka laga reebo hawlo sharafeedka dowladda iyo metelaadda wuxuu sida dastuurku qabyo siyaabo kala duduwan boqorku isugu xilqaamaa arrimo bulshadu aad isha ugu hayso. Is xilqaamid iyo daryeelid ayaa lagu taageeraa hawlaha ay ururrada, jaaliyadaha iyo machadyadu qabtaan.

      H.M. Boqor Carl XVI Gustaf.

      H.M. Boqor Carl XVI Gustaf. Sawir: Linda Broström/Maamulka qasriga boqortooyada

      H.M. Boqor Carl XVI Gustaf

      CIMILO, BII’O IYO DABIICAD

      Boqorku wuxuu si qoto dheer isugu xilqaamyay arrimaha cimilada- iyo bii’ada, aqoon ballaaran ayuuna u leeyahay aagaggaas labadaba. Boqorku wuxuu laga soo billaabo 1988 madax u yahay ururka Iswiidhishka ee ka midka ah Sanduuqa caalamiga ah ee Dabiicada, WWF. Dhawr qodob oo barnaamijka boqorka ka mid ah waxaa soo gelaya arrimaha beeraha- iyo xoolo dhaqashada, kaymaha iyo kalluumeysiga. Waxay kuwaasi tusaale ahaan ku saabsanaan karaan horuumarka cuntada Iswiidhishka ee hal ku dheggeedu yahay ”cun dalagga beerahaaga ka soo baxa”. Boqorku wuxuu sidoo kale aad isugu xilqaamaa arrimaha la xiriira kaymaha Iswiidhishka iyo fursadaha ay shirkadaha kaymuhu u leeyihiin in ay kaymaha ka sameeyaan dhaqaale aan bii’ada waxyeelleyneyn iyo bulsho ka madax bannaan shidaalka dhulka laga qodo, tusaale ahaan arrimaha shidaalka dabiiciga ah iyo dhisidda guryo bii’ada u fiican.

      DHAQDHAQAAQ INDHA-INDHEYNTA IYO HOGGAAMINTA DHALLINTA

      Boqorku laga soo billaabo carruurnimadiisi wuxuu gudaha Iswiidhan iyo dibadda labadaba uga qeyb qaadan jiryay dhaqdhaqaaq indha-indheyn oo noocyo kala duduwan leh. Boqorku waa madax sharafeedka Ururka indha-dheynta, wuxuuna laga soo billaabo 1977 ahaa madax sharafeedka World Scout Foundation. Marki uu Boqorku buuxinayay 60-ka sano waxaa la dhisay Hey’adda samafalka ee Konung Carl XVI Gustaf ee Hoggaaminta Dhallinyarada, iyadoo looga gol lahaa in la xoojiyo barashada dhallinyarada ee hoggaaminta iyadoo laga duulayo qiyamka u cabbirayo dhaq-dhaqaaqa indha-indheyntu. Waxay taasi dhaceysaa iyadoo boorso istuudiyo loo qeybinayo dhallinyarada hoggaanka ah ee si fiican u muddeysata si ay u sii wataan waxbarashadooda hoggaamiyanimo, taageeridda waxbarashada hoggaaminta ee dhaqdhaqaaqa indha-indheynta iyo taageeridda horuumarka dadka dhallinta yar iyo waxbarashada hoggaamiyanimada ee xagga ganacsiga, hey’adaha dowladda iyo ururrada samafalka.

      HORUUMARINTA FARSAMADA- IYO WERSHADAHA

      Boqorku wuxuu sanooyin fara badan hoggaamin jiryay wufuud safar u baxaysa, waxa loogu yeero Royal Technology Missions, oo uu boqorku hor kacayo. Akadeemiyada culuunta injineernimada, IVA. Ula jeeddada laga leeyahay wufuudda safreysa waa in si wada jir ah wakiillo ka kala socoda cilmi baarayehannada, shirkadaha ganacsiga iyo hey’adaha dowladdu, ay isla diraaseeyaan aqoonta xagga teknoloojiyada iyo wershadaha iyo in la dhiirri geliyo iskaashiga aagaggaas ah.

      H.M. Boqorad Silvia.

      H.M. Boqorad Silvia. Sawir: Linda Broström/Maamulka qasriga boqortooyada

      H.M. Boqorad Silvia

      WORLD CHILDHOOD FOUNDATION

      Sanadkii 1999 waxay Boqoraddu qaadday tallaab lagu aasaasay ururka World Childhood Foundation. Ururka, oo ay Boqoradda iyo xitaa Amiirad Madeleine madax sharafeed u yihiin, wuxuu ka shaqeeyaa in uu hagaajiyo duruufaha carruurta nugul iyo kuwa khatarta ugu jira ku xad gudub jir ahaaneed iyo mid galmo ahaaneedba. Ururku wuxuu sanooyin badan taageero siin jiryay in ka badan 1000 mashruuc oo ka kala socda waddamo aad u fara badan.

      GLOBAL CHILD FORUM

      2009 wuxuu Qoyska Boqorku sameeyay Global Child Forum. Ururku waa gole loogu tala galay in shirkadaha ganacsiga loogu kordhiyo aqoonta xuquuqda carruurta iyo in shirkadaha laga caawiyo in iyagoo kaashanaya qalab wax ku ool ah ay aragtidaas ka dhaq geliyaan meheradahooda.

      GURIGA SILVIA

      Soo jeedinta boqoradda ayaa 1996 lagu aasaasay hey’adda samafalka ee Guriga Silvia. Boqoradda ayaa ururka madax ka ah. Hey’adda samafalka ee Guriga Silivia waxay taageertaa cilmi baarista iyo waxbarashada, waxayna iyadoo kaashaneysa Jaamacadda Guriga Sophia iyo Machadka Karolinska waddaa waxbarasho gacan-hayanimo, kaaliye kalkaalisonimo, kalkaalisonimo, shaqo baxnaaniyenimo, baxnaaniyenimo jir ahaaneed iyo dhakhtarnimo xagga kharafka ah. Guriga Silvia waxay xitaa shahaaddo siisaa waaxaha daryeelka dadka kharafka qaba oo dhan.

      MENTOR FOUNDATION

      1994 waxay Boqoraddu dhistay hey’adda samafalka ee Mentor International Foundation, oo ka shaqeysa in ay dhallinyarada siiso isku kalsooni iyo awood ay hagitaanka kula koraan. Hiigsigu waa in la helo caalam ay dhallinyaradu si caafimaad leh oo daroogo ka madax bannaan ugu kori karaan, uguna horuumari karaan. In ka badan 100 000 oo dhallinyaro ah ayaa Barnaamijka Mentor Iswiidhan uga qeyb qaadatay. Marka laga reebo Iswiidhan waxaa Mentor ku jira Jarmalka, Ingiriiska, Lituweeniya, Laatfiyo, USA och Danmark. Waxaa intaas dheer in uu Mentor Arabia isku duwe ahaan uga shaqeeyo 22 waddan oo carab ah. Boqoradda ayaa madax u ah Mentor International Foundation, wakiil sharafeedna waxay ka tahay Mentor Iswiidhan.

      H.K.H. Boqoradda dhaxal sugaha ah ee Victoria.

      H.K.H. Boqoradda dhaxal sugaha ah ee Victoria. Sawir: Linda Broström/Maamulka qasriga boqortooyada

      H.K.H. Amiiradda dhaxal sugaha ah ee Victoria

      HADAFKA CAALAMIGA AH QARAMADA MIDOOBAY EE HORUUMARKA RAAGA

      Bishi Jannaayo ee 2016 wuxuu Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon u doortay Amiiradda dhaxal sugaha ah in ay ka mid noqoto 17 safiir oo loo doortay hadafka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee horuumarka raaga ee ajandaha 2030. Safiirrada ka tirsan Sustainable Development Goals Advocacy Group waxay hawshoodu tahay in ay siyaabo kala duduwan u xoojiyaan hadafka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Amiiradda dhaxal sugaha ahi waxay iminka tahay safiirad hore, waxayna sii waddaa in ay ka shaqeyso arrimo khuseeya biyaha iyo caafimaadka.

      CARRUUR IYO DHALLINYARO

      Amiiradda dhaxal sugaha ahi waxay si weyn isugu xil-qaantaa xagga carruurta iyo dhallinyarada. Iyadoo uu ugu wacanyahay arooski 2010 ee Amiiradda dhaxal sugaha ah iyo lammaanaheeda waxaa la dhisay Hey’adda samafalka ee Amiiradda dhaxal sugaha ah iyo Amiir Daniel, iyadoo ka shaqeyneysa in ay Iswiidhan ku dhex caawiso carruurta iyo dhallinyarada, ay ula jeeddaduna tahay in laga hortago soocnaanta iyo in la xoojiyo caafimaadka wanaagsan.

      Sanduuqa Amiiradda dhaxal sugaha ah ee Victoria waxaa la aasaasay 1997, wuxuuna hadafkiisu yahay in uu carruurta iyo dhallinyarada naafada ah u suurta geliyo in ay helaan xilli firaaqo oo firfircooni leh.

      NABAD KA SHAQEYN CAALAMI AH

      Waxay Amiiradda dhaxal sugaha ahi si gaar ah isugu xil-qaantay arrimaha dhibaatooyinka dagaallada iyo maareyn khilaafaadka, mucaawinooyinka iyo hawlaha caalamiga ah ee xoojinta nabadda. Waxay marar badan ka qeyb gashay munaasabadaha kala duduwan ee Qaramada Midoobay.

      H.K.H. Amiir Daniel.

      H.K.H. Amiir Daniel. Sawir: Linda Broström/Maamulka qasriga boqortooyada

      H.K.H. Amiir Daniel

      ARRIMAHA CAAFIMAADKA

      Amiir Danieil wuxuu diiradda saaraa arrimaha caafimaadka, laga billaabo isu xil-qaamid la xiriirta deeqbixin ilaa iyo abuuridda maalinta orodka iyo isboortiga ee Amiir Daniel, oo sanadkiiba mar la qabto si dhallinyaro fara badan loogu suurta geliyo in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan iyo in isboorti lagu jeediyo. Amiir Daniel wuxuu madax sharafeed u yahay guddiga sanduuqa Wadnaha-iyo Sambabaha, wuxuuna magaciisa siiyay maalgelinta cilmi baarista Amiir Daniel ee loogu tala galay dhallinyarada cilmi baarayaasha ah ee mustaqbalka wanaagsan leh.

      Xagaagii 2016 wuxuu Amiir Daniel wadajir shirkadaha Iswiidhishka, hey’adaha iyo ururrada sama falka ula billawyay dadaalka Generation Pep. Hiigsigu waa in dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Iswiidhan joogta ay fursad u helaan in ay doortaan in ay ku noolaadaan nolol caafimaad oo firfircooni leh. Generation Pep waxay ka shaqeysaa faafinta aqoonta, dhiirri gelinta iyo taageeridda carruurta iyo dhallinyarada, iyo waaliddiinta iyo dadka waaweyn ee carruurta ka ag dhadhaw.

      SHIRKADLANIMO

      Amiir Daniel wuxuu xitaa isu xil-qaamaa arrimaha shirkadlanimada, wuxuuna u hawl galaa in uu shirkad abuurashada ku dhiirri geliyo dhallanyarada. Amiirku wuxuu tusaale ahaan si sanadle ah u booqdaa SM-ta dhallinyarada shirkadaha leh, wuxuuna xubin ka yahay guddiga qaran ee Shirkadlanimada dhallinyarada.

      Mashruuca Amiir Daniel Fellowship iyo barnaamijka shirkadlanimada waxaa la abuuray 2013. Mashruucu waa wada shaqeyn waqtiga fog ah oo u dhexeeysa Amiir Daniel Boqorka. Akadeemiyada culuunta injineernimada, IVA, halkaas wuxuu Amiirku si wadajir ah shirkadlayaasha iyo madaxda shirkadaha ula booqdaa dugsiyada sar-sare iyo jaamacadaha Iswiidhan si uu dadka da’da yar ugu dhiirri geliyo in ay noqdaan shirkadlayaal.

      To top